Banaanbax Ka Dhacay Afafka Hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya+Sawirro

0

Banaanbax cabasho ahaa oo ay dhigayeen hooyooyinka caruurta agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay afafka Hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Hooyooyinka  Banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in afar bilood aysan helin wax mushaar ah islamarkaana ay waayeen waxa ay siiyaan caruurtooda agoonta ah.

Madaxda dowladda ayeey sheegeen inay ka codsanayaan in si deg deg ah carruurtooda waxa ay cuni lahaayeen loogu soo dhiibo, maadaama aabayashooda ay ku nafwaayen dagaalka u dhaxeeyay Dowladda iyo Shabaab.

Arintaan ayaa imaanaysa xili maalmihii dambe ay ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ka cabaneyeen mushaar la’aan afar bilood ah,waxayna kasoo baxeyn furumaha dagaalka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here