Kenya oo Sheegtay in Shabaab ay Dileen Seddex Kamid ahaa Muwaadiniinteeda

0

Dowlada kenya ayaa sheegtay in seddex kamid ah muwaadiniinteeda Al shabab ay ku dileen koofurta Somalia, iyadoo ku eedeyneya inay basaas u ahaayeen Amisom iyo Mareykanka.

Sida laga soo xiganayo warbixin sirdoon oo ay soo saareen sirdoonka Kenya Al Shabaab waxa ay toogteen shan qof.

Shanta qof ee la toogtay waxaa ku jiray haweeney da’ dhexaad ah oo u dhalatay dalka Kenya lana aaminsan yahay inay kasoo jeedo gobolka Xeebta iyo labo nin oo kasoo wajir.

Seddexdaan qof ee kenyan ka ah iyo labo muwaadin oo somali ah ayey Al shabaab arbacadii ku toogteen deegaanka Yaaq Baraawe oo hoos tago gobolka Bakool, waxaana toogashadooda goob joog u ahaa dadka deegaankaas.

Toogashada shantan ruux ayaa dabo socota weeraro duqeymo ah oo dhawaan ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen magaalada Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, waxaana duqeymahaas lagu dilay sida uu wargeyska The Standard ee kasoo baxo Kenya daabacay in ka badan 40 hogaamiye oo ka tirsan Al Shabaab.

Hogaamiyeyaasha lagu dilay duqeymahaas waxaa kamid ahaa sida wargeysku daabacay nin kenyan ah oo ahaa hogaamiyaha Al Shababa-ka ka dagaalama dalka Kenya oo lagu magacaabo Ahmed Iman.

“Dagaal yahannada Al Shabaab waxa ay aaminsan yihiin in weerarka duqeynta ah oo lala beegsaday saraakiishooda ugu sareeya xilliga uu dhacayey ay dhismaha gudaheeda ku sugnaayeen xubno basaas ah oo ka shaqeeyay habka uu u dhacday weerarka, waxaana xilligaas hogaamiyeyaasha ugu sareeya Al Shabab ka shirayeen qorsheynta bartilmaameedyadooda” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraal uu soo saaray sirdoonka Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here