Dowlada wadanka India ayaa qorshenaysa in ay ka Hortakto sanadkaan 2016-ka falalka shilalka ah ee ka dhaca wadooyinka dalka India,
Dowlada uu Hogaaminaayo Narendra Modi ayaa qorsheenaysa in sanadkaan cusub ee 2016-ka in la yareeyo shilalka ka dhaca wadooyinka dalka India oo kamid ah kuwa inta badan ay ka dhacaan shilalka ay dadka ku dhintaan,
Dowlada India ayaa 5-ta sano ee soo socota qorsheenaysa in qarash garaya Rs11,000 crore oo lacagta dalka India ah oo u dhigmata ($1.65 billion) ay kaga hortakto shilalka ka dhaca wadooyinka dalka India,
Bishii aynu soo dhaafnay ayaa la sheegay in 100-qof ay ku dhinteen shilal ka dhacay wadooyinka dalka india kuwasoo u badnaa caruuur iyo dad waayeelo ah sida ay sheegeen guddiga la socodka shilalka ee dalka India,
Dhanka kale 1-qof ayaa ku dhimanayay wadooyinka dalka India 4-tii daqiiqo kaliyah sanadkii 2014-kii in ka badan 139,000 oo qof ayaa ku dhimatay in ka badan 500,000 oo shilal ah oo ka dhacay wadooyinka dalka India,

