Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa Magacaabis iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Taliyaayashii Saldhigyadda booliska gobolka Banaadir,kadib qaraxyadii muqdisho maanta ka dhacay.
Ilaa 10-taliye ayaa xilalka laga qaaday,waxaa sidoo kale la magacaabay Taliye qeyb iyo Taliye ku-xigeenka booliska Gobolka banaadir.
Halkaan Hoose ka Akhriso Taliyayaasha la magacaabay
- Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.
Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi.
Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .
Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan.
Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.
Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan.
Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.
Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.
Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda
Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne.
Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.
Talaabadaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xaalada amniga Muqdisho ay sii xumaatay,iyadoo maanta weerar lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee degmada Shangaani lagu dilay illaa 15 qof oo uu ku jiray Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada.

