Ciidanka amniga Puntland ee PSF, ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku sugan buuraleyda gobolka Bari, sida qoraal lagu sheegay.
Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa sidoo kale lagu xusay in ay jiraan dhaawacyo badan oo gaaray Shabaab iyo raashin laga gubay, kadib hawlgal qorshaysan oo ciidanku ka fuliyeen degaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow.
“Ciidamada PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka dileen intii 19 xubnood , iyaga oo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen” ayaa lagu yiri qoraalka.

