Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxyadaan ayaa ka dhacay dhismaha Wasaarada Shaqada & Shaqaalaha oo ku yaala Degmadda Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Dhismaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa ku dhaw Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo ku tallo Isgoyska Jubba ee Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qarxa,halka midka labaad uu ka dhacay halka midkii hore uu ka dhacay,wuxuuna ahaa gaarigii ragga hubeysnaa ayaa ka dageen.
Rag hubeysnaa ayaa gudaha u galay xarunta qaraxyadda kadib waxana la maqlayaa rasaas.
Ciidamadda amanaka Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd gaaray goobta,waxaana shaqaalihii ka howlagalayay xarunta ay ka dageen qeybaha kale ee xarunta.

