Dowladda Finland ayaa maanta oo arbaca ah ku dhawaaqday inay joojisay go’aankeedii ku aadanaa inay magangalyo siinayso muhaajiriinta kasoo jeeda Soomaaliya iyo dalka ciraaq.
Finland ayaa sicad u sheegtay in ay qiimayn ku sameeyeen xaalada amni ee labada Dalka waxaana dowlada ay sidoo kale sheegtay in baaritaanadooda ay uga cadaatay in dalalkaasi ay ka jiraan xasinooli wanaagsan.
Hay’adda adeega socdaalka Finland ayaa war-qoraal ah ku sheegtay inay badalayso sharciga magangalyo siinta muhaajiriinta kadib dib u- eegis lagu sameeyay todobaadyo gudaheed.
Ku dhowaad 17,000 oo muhaajiriin ah ayaa tagay dalka Finland sanadkaan gudihiisa, waxana dadkaasi 69% ay ka yimaadeen wadanka Iraq halka 10% ay ka yimaadeen daka Soomaaliya.

