Sarkaal Mareykan ahaa oo Lagu Dilay Daaru-salaam, Shabaab oo Ka Hadlay

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay Dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internetka ayaa lagu sheegay in Ciidamadda Danab iyo kuwa Mareykanka ay weerar kusoo qaadeen deegaanka balse lagu jabiyay.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ay ku dishay Sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka Mareykanka.

“Shabaab  dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Shabeelaha Hoose waxay khasaaraha lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay 6-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dana bee Mareykanka uu Tababaray.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo sheegashada Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here