Xasan Cumar:-“Laguma Soo Wargalinin Xil Ka Qaadista Laygu Sameeyay”,+Dhageyso

0

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in uusan ka warqabin xil ka qaadista uu ku sameeyey Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xasan Cumar Macalin oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in aan lagu soo wargalinin xil ka qaadista lagu sameeyay.

Waxa uu sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka arkay baraha bulshadda,balse ay habooneyd in si fariin ahaan loo soo gaarsiiyo.

Wasiirka Arrimaha gudaha koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkaan xilka ka qaaday Gudoomiyihii Marka,waxaana xilka loo magacaabay Cabdulaahi Cali Axmed Waafow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here