Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Nin xirnaa dharka Dumarka.
Kadib howlgal laga sameeyay Demadda Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay ninkaan oo laga shakiyay,waxaana lagu qabtay agagaarka iskuulka Godey ee Degmadaas.
Dadka deegaanka ayaa ka shakiyay ninkaan waxayna ku wargaliyeen Ciidamadda Booliska oo ku guuleystay qabashadda ninkaan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in ruuxa la qabtay ay ku sameeyeen baaritaan, iyaga oo ka raadiyay inuu hub watay, balse markii laga waayay lagu wareejiyay hay’adaha amaanka si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyaan.
Dhanka kale Saraakiisha booliska ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda ay sameeyeen howlgal kale oo lagu qabtay dhalinyaro la tuhmaayo.

