Raisulwasaare Kheyre oo Ku Wajahan Magaaladda Kismaayo+Sawirro

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka jubbaland.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisulwasare kheyre ayaa laga dareemayaa Magaaladda Kismaayo.

Raisulwasaare Kheyre ayaa lagu waday in sabtidii uu gaaro Magaaladda kismaayo,balse safarkiisa ayaa dib u dhacay sababo la xiriira aaska wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh jibriil oo shalay lagu aasay Magaaladda Kismaayo.

Amaanka magaaladda Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa amniga sugaya Ciidamadda madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here