Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wadooyinka ay Ciidamada Xireen waxaa ka mid ah Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ilaa Isgoyska Sayidka,waxaana xalkaas lagu arkayaa Ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Sababta loo xirey wadooyinka ayaa lagu sheegay aaska Wasiirkii Dastuurta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil oo jimcihii ku geeriyooday magaaladda Abu Dubia ee dalka Isutaga imaaraadka carabta.
Meydka Marxuumka ayaa maanta lagu wadaa in la keeno Magaaladda Muqdisho,islamarkaana aas qaran loogu sameeyo.
Madaxda Ugu sareyso dalka ayaa ka qeyb galaysa aaska Wasiirkii Dastuurta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil

