Wiil Loo Dilay Cunto uu Kasoo Cunay Guriga Ayeeyadiisa oo Geeriyootay!

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Wiil 7-sano jir ahaa lagu dilay deegaanka Xawaadley oo ku dhow degmada Balcad.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka falkaan ayaa ka dhacay masjid ay ku lahaayeen koox diimeedka Takfiir oo ku yaala deegaanka Xawaadley.

Wiilka la dilay ayaa la sheegay in cunto uu kasoo cunay guri ay ku geeriyootay ayayadiis oo xoolo lagu qalay,waxaana arintaas aad kaga xumaaday aabihii oo kamid ah kooxda takfiir.

“Wabiga Deegaanka waxaa ka helay wiil 7-sano jir ahaa gacmaha iyo lugaha laga xirxirey kadib markii la diley,dilkiisa waxaa lagu tuhmayaa aabihiisa oo kamid ah kooxda Takfiir,wiilka la dilay ayaa cunto ka soo cunay guri ay ku geeriyootay ayeeyadiisa oo xoolo lagu qalay”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale Banaanbax arintaan looga soo horjeeday ayaa ka dhacay Deegaanka,waxaana lagu gubay Masjid ay ku tukan jireen kooxda Takfiirka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo falkaan ka dhacay deegaanka Xawaadley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here