Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay shan dhalinyaro ah oo geystay kufsi wadareed ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo goor dhowayd Shir jaraaid ku qabtay Garow eayaa ku dhawaaqay xukunka Dilka ah,wuxuuna sheegay in Xabsiga lagu sii heyn doono.
Waxa uu sheegay Xeer ilaaliye ku xigeenka In puntland u cuskatay ciqaabta kufsiga, wuxuuse sheegay in xukumanayaashu ay haystaan racfaan muddo bil ah.
Kiiskaan Xukunkaan ayaanan aheyn kii Caa’isho Ilyaas Aadan, balse waa mid ka sii horeeyay oo raggaan horay Kufsiga ay u gaysteen.


