Faah-faahin:-Khasaaraha Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Labo Qarax oo Caawa ka Dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxyadda ayaa ka dhacayay Afafka hore ee Hoteelka  Maka al Mukarama ee Magaaladda muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gawaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen in ay qarxeen, islamarkaana ay dhaliyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen 25-kale Qaraxyadda Ka dhacay Magaaladda muqdisho.

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa durbadiiba gaaray goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dadka waxyeelada ay soo gaartay laga qaadayo.

Dhanka kale Qaraxyadda Dhacay ayaa dhaliyay dab ka kacay Goobo ganacsi oo ka dhawaa Hoteelka  Maka al Mukarama ee Magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here