Shabaab oo Sheegay in Toogasho Ka Wadaan Hoteelka Maka Almukaramah

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay Qaraxyo Caawa ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

Shabaab waxa ay sheegeen in ay weerar ku qaadeen Hoteelka Maka Almukaramah,Kadib Labo qarax ka dhacay agagaarkiisa.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Hoteelka, ayna halkaas ka wadaan toogasho ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo madaxda DFS ee daggan Hotelka.

Goobjoogayaal ayaa idaacada SImba u sheegay in goobta laga maqlayo rasaas,balse aan la ogeyn cida rideysa ilaa haatan.

Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa kamid ah Hoteellada ugu waaweyn ee Muqdisho waxaana daggan xildhibaano, saraakiil dowladeed iyo diblumaasiyiinta reergalbeedka, waxaana xusid mudan in sanadkii 2015-kii uu sidan oo kale la kulmay weerar xoogan oo lagu dilay saraakiil iyo xildhibaano ka tirsanaa DFS.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here