Dowladda Soomaaliya Oo La Sheegay in ay Haysato 20,000 oo Ciidamo

0

Dowladda Federal-ka Somaliya waxa ay heysataa in ka badan 20,000 oo ciidamo military ah kuwaas oo ka howlgala shanta dowladd goboleed xubnaha ka ah.

Warbixinta Tirakoobka ciidamada Somalia waxaa sameeyey xubno ka tirsan Amisom waxaana ugu dambeen uu Francisco Madeira oo ah madaxa ugu sareeya Amisom ku wareejiyey waziirka amniga xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Qiimeynta lagu sameeyey tirada ciidamada Somalia ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshaha ay Amisom kaga baxeyso Somalia.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Ciidamada xubnaha ka ah dowlad goboleedyada iyo dagaalyahanada u baabulan hab beeleedka waxa ay door weyn ka qaateen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka ku ah dowladda Federalka Somalia.

“Waxa aan hadda u baahannahay waa in aan aragno sida ugu wanaagsan ee aan u isticmaali karno ciidamada gobolada si aan u fulino Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya,” Ambassador Madeira ayaa hadalkan ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Hirgelinta qorshaha kala-guurka waxa uu si xooggan ula xiriiraa baahida loo qabo in si tartiib tartiib ah loo xoojiyo amniga qaranka Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo guulaha laga gaaray sugidda ammaanka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ambassador Madeira.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here