Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Somalia uu kordhi doono sanadkan 2019 iyo sanadka xiga ee 2020 koror dhan 3.5% marka loo barbar dhigo kororkii dhaqaalaha Somalia ee sanadkii tagay ee 2018 oo ahaa 3.1%.
Dalka dhaca geeska Africa ee Somalia ayaa la sheegay inuu fulinayo mashaariic dhaqaale oo ay kormeer ku sameynayaan deenbixiyeyaasha caalamka.
“Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dib u soo kabanaya laakiin waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo adkaysiga dhaqaalaha iyo hoos u dhigidda saboolnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay IMF maanta oo arbaco ah.
Tan iyo sanadkii 2017, dhaqaalaha Somalia ayaa sameynayey kobac iyo soo kabasho, taa beddelkeed waxaa hoos u dhacayey sicir bararka iyo guuldarooyinka dhanka ganacsiga ah.
Xog lasoo aruuriyey bishii November ee sanadkii 2018 ayaa muujineysa in dakhliga gudaha ah ee Somalia uu gaaray $ 161 million waana in ka badan 31% dakhligii sanadkii 2017.
Lacag dhan $ 8 million ayaa ku korortay dakhliga gudaha ee Somalyia sanadkii soo idlaaday ee 2018, sida lagu sheegay qoraalka IMF.

