Ismahaan oo 14-jir Aheyd Waa La Dilay Kadibna Waa La Kufsaday+Sawirro

0

Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya gaar ahaan Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Islii waxaa si arxandaro ah loogu dilay gabar 14-sano jir aheyd.

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ismahaan ismaaciil,waxayna Eheladeeda ay sheegeen in la dilay, meydkeeda jawaan lagu riday lasoo dhigay qeybo kamid ah xaafada Islii.

Waxa ay sheegeen in Hooyadda dhashay gabadha dad dhalinyaro u badnaa ay la daganeed, islamarkaana ay ugu taktay ayna u sheegtay in labo bari kadib u soo laaban doonto.

Ragii gabadha looga tagay ayaa dilay mudo 3beri ahna Maydkeda way qarinayeen, kadib Ehaladeedi Qaar kamid ah bay soo waceen waxayna yiraahdeen kaalaya maydkeeda qaata wadno Xanuun bay u dhimatay.

Dhanka kale Booliska Kenya oo arintaan baaritaan ku sameeyay ayaa sheegay in Gabadha la kufsaday,kadibna la dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here