Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay u aar guddi doonaan dadkii lagu laayay maalintii shalay aheyd inta u dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in falka lagu laayay haweenka Nadaafadda ka qeyb qaadanayay ay ka xumaadeen,islamarkaana ay jawaab deg deg ah ka bixi doonaan.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ka dambeeyeen falka lagu dilay dadka shacabka ahaa.
“Al-Shabaab waa mid aan loogu hari doonin falka ay ku laahaayeen dadka shacabka ahaa deegaanka lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Ciidamadda amaanka ayaa ka hortagay ma ahee dad badan ayay meesha ku leyn lahaayeen,intii dhimatay Ala Ha u Naxariisto”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dadkii shalay lagu Laayay inta u dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

