Hay’adaha Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Boqore loo qabtay labo ruux oo lagu tuhmaayo iyo gaarigii ay wateen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgalo lagu baadigoobayo dad kale oo lala xiriirinayo dilka loo geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo kamid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo Shalay lagu dilay afafka hore ee Hoygiisa uu ku yaala Degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir.

