Xildhibaanada Kenya ayaa saakay su’aalo ka weydiina haweeneyda ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya ee lagu magacaabo Monica Juma khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya Katoo Metito ayaa sheegay inay u baahan yihiin cadeymo badan oo ku aadan sababta dhalisay khilaafka labada dal.
“Waxaan rabnaa inaan helno faah-faahin la xiriirta xaqiiqada iyo waxa dhabta ah ee kiciyey xasarada, iyo waddadii aan ugu gudbi laheen,” ayuu Metito u sheegay wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu dhacay Isfaham dhex maray Monica Juma iyo Villa Somalia islamarkaana ku aadan dajinta iyo xalinta xasarada ka dhex qaraxday Labada dal.
Si loo sii dar dar geliyo isfahamka, waxaa la rajeynayaa in Monica Juma ay timaado Muqdisho kadib kasoo laabashadeedii Germany oo ay kaga qeyb gashay shir ammaanka looga hadlayey oo ka dhacay Magaaadda Munchen.
Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo soo Shaac baxay Maalintii Sabtidii aheyd ayaa haatan maraya meel xasaasi ah.

