Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Jabuuti Ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay Degmadda Jalalaqsi oo Saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamadda Dowladda Jabuuti.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, dagaalka xoogiisa ayaa dhacay Duhurnimadii shalay, waxaana soo qaaday dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Ciidamadda Jabuuti ayaa weerar jawaab ahaa ku qaaday Shabaab,waxayna taasi ay keentay in dagaal kale uu ka dhaco Degmadda jalalaqsi.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in Diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah ay dhaawacyo iyo meydad ay ka qaaday Garoonka degmadda Jalalaqsi.

