Ciidamadda Maamulka Puntland ayaa fuliyay howlgal ay sheegeen in lagu fashiliyay weerar kaga imaan Lahaa Dagaalyahanadda Daacish.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamadda PSF Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadda amaanka Puntland ay howlgal ka sameeyeen Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer.
“Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan Daacish ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,kuwaas oo damacsanaa in ay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow”, ayaa lagu yiri qoraalka PSF Puntland.
Ciidamadda PSF Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgaladda ay ka sameynayaan deeganadda Gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya.




