War DEG DEG:-Farsamayaqaan Goordhaweyd Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha

0

Kooxo Hubeysnaa ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Nin Farsamaqayaan ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Cabdala Shideeyaha gaar ahaan qeybta lagu sameeyo Makiinadaha qudaarta Lagu shiido ee Halaabay.

Qof ku sugan gudaha Suuqa ayaa idaacadda Simba u sheegay in rag hubeysnaa ay toogteen ninka farsamayaqaanka ahaa,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo beegsaday ninkaan oo aan wali la helin Magacabiisa.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili  Magaaladda muqdisho ay maalmihii dambe martigalisay dilal qorshaysan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here