Somali-land oo Muqdisho Usoo Musaafurisay Mas’uul Ka Tirsan Dowladda

0

 

Wararka ka imaanaya Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa ku waramaya in Mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ku xirnaa Magaaladaas loosoo Masaafuriyay Magaaladda Muqdisho.

Cabdiraxmaan Axmed oo ah Agaasime waaxeedka qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee wasaarada Warfaafinta dawladdaFederaalka Soomaaliya ayaa lagu xiray Hargeysa,kadib markii safar ku tagay halkaa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in booqasho uu ugu tagay qoyskiisa,balse markii dambe lagu xiray Magaaladda Hargeysa.

“Maanta oo ay taariikhdu Ahayd 15 February 2019 oo aan 12 cisho ku xidhnaa Hargeysa ugu danbayna Maanta lay Soo Mastaafuriyay ilaa Muqdisho.”sidaas ayuu kusoo qoray bartiisa Facebooga uu ku leeyahay Cabdiraxmaan Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here