Mareykanka oo La Wareegaya Meydadka Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab

0

Meydadka ragii fuliyey weerarkii lala beegsaday dhismaha hotel-ka Dusit ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in loo qaado dalka Mareykanka.

Sarkaal aad ugu dhawaa dhacdada ayaa wargeyska The Nairobian  u sheegay in meydadka shan kamid ragii weeraray hotelka Dusit iyo haraadiga qofkii ismiidaamiyey loo qaadayo dalka Mareykanka si FBI du ay baaritaano ugu sameeyaan.

Mareykanka ayaa baaritaanada ragaan kula biiray hey”adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Hey’adahaan ajaaniibta ah ayaa maalmo ku sugnaa dhismaha uu weerarka ka dhacay si ay u aruuriyaan meydadkii ragii fuliyey weerarkaas.

Mareykanka ayaa codsaday in uu meydadka ragaan baaritaano dheeri ah kusoo sameeyo waxaana la aaminsan in meydadkaan uu qeyb ka yahay ninkii ismiidamiyey oo magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid Riziki oo 25 jir ah.

“Wakiilo ka socdo FBI da ayaa meydadka qaatay si ay baaritaano ugu soo sameeyaan waayo waa nooga hormarsan yihiin technology-yada” ayuu yiri sarkaalkan.

George Kinoti oo ah agaasimaha hey’adda dambi baarista Kenya ee DCI ayaa hore u sheegay in meydadka ragaan lagu baari doono gudaha dalka Kenya balse ay baaritaanada qeyb ka yihiin qubaro iyo hay’ado ajaaniib ah.

Weerarkii lala beegsaday dhismaha hotel-ka Dusit oo ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaaniib ayaa dhacay 14-kii bishii hore ee January waxa ayna dowladda Kenya soo gabagabeysay 15 january.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here