Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha gaar ahaan Xiro Jarmal,waxaana la xaqiijiyay in uu dhulka ku aasnaa

Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal, qaraxaan ayaa dhacay xili ay lugeynayeen Wadada Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamadda qaraxa lala eegtay ayaa furay rasaas fara badan qaraxa kadib,lama oga khasaaraha ay dhalisay.

Wadada Warshadaha ayaa kamid ah goobaha inta badan qaraxyadda lagu eegto ciidamadda ka tirsan kuwa Dowladdda Federaalka Soomaaiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here