Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Haween galabta ku dilay Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Jungal Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Fardowso Abuukar Maxamed waxayna Aheyd Haweeney haysatay labo caruur ah.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari ka Tirsan Ciidamadda dowladda Somaaliya oo lagu magacaabo Bulxan ayaa geystay dilka,wuxuuna u adeegsaday dilkeeda Bastooladd.
Waxaa la sheegay in uu doonayay askariga in dhalinyaro kubad ku ciyaaraysay Xaafadda uu kala ceyriyo balse ay gabadha ka hor istaagtay,taasina waxa ay keentay in uu iyada toogto.
Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana socda baaritaano lagu baadigoobayo.

