War Deg Deg:-Wasiirkii Labaad oo Iska Casilay Maamulka Koonfur Galbeed

0

 

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in wasiir labaad uu iska casilay Xilkii loo Magacaabay.

Cali Aadan Macalin oo ahaa Wasiirkii Deegaanka iyo duur-joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu u Magacabay Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)

Waxa uu sheegay  in aan lagala tashan isalamarkaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay.

Waa wasiirkii labaad ee iska casilay xilka, xalay waxaa iscasilay Cabdi Cusmaan (Catoosh), oo ahaa wasiir ku-xigeenkii Gaadiidka iyo dhulka sidoo kalana ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here