Ameeriko:-“Ma Awoodno In Guri Kasta oo Muqdisho Inaan Dhigto Askari”,!!

0

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Amniga Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,xili maalmihii dambe ay ka dhaceyn dilal iyo Qaraxyo ay geysanayeen Shabaab.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko), oo hadal u jeedinayay dhalinyaro kusoo biiray ciidanka Booliska oo tababar loo xiray ayaa sheegay in taliska Booliska uusan awood u laheyn in guri kasta oo ku yaala magaaladda Muqdisho inay dhigaan askari ilaaliya, si looga hortago kooxaha dilalka geysta.

Waxa uu sheegay Taliye Ameeriko in Taliska uu awood buuxda u leeyahay oo kaliyah in dhalinyaradda jecel in dalkooda difaacaan ay tababaro siiyaan,kadibna ka howlgalaan Saldhigyadda.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay Tababar usoo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here