Faah-faahin:-Al-shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Saldhig Ciidamadda Jabuuti

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyayaal Shabaab ay ku weerareen Saldhig Ciidamadda Jabuuti ay ku leeyihiin Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in tiro madaafiic hoobiyaal ah lala helay saldhigyada ciidanka Jabuuti balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dhanka kale dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee Muqdisho u sheegay in Madaafiicda si weyn loogu maqlay gudaha Degmadda, islamarkaana ay madaafiic kale ay ku jawaabeen Ciidamadda Dowladda Jabuuti.

Ma jiro war ah oo kasoo baxay Taliska Jabuuti oo loogu hadlaayo Madaafiicda lagu weeraray Saldhigooda Jalalaqsi.

Shabaab ayaa inta badan weeraro Hoobiyayaal ah la beegsada Saldhigyadda Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Goboladda dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here