Xarakadda Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari Dagaal iyo hubka fudud ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gaariga ay shabaab soo bandhigeen ayaa ah nooca Soomaalida u taqaano Tiknikada ama Cabdi bilaha,waxayna shabaab sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Jaziira ee dhanka Koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Shabaab ayaa soo bandhigay sawiradda gaariga Cabdi bilaha,balse ma aysan sheegin gooba sida rasmiga ah ay ugu soo bandhigeen.
Arintaan ayaa imaanaysa xili mudooyinkii dambe Shabaab ay soo bandhigeen gaadiid dagaal ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Todobaadkaan gudihiisa waxa ay soo bandhigeen Flim ka turjumaya dilalka ay ka geystaan Magaaladda Muqdisho iyo qaraxyadda Goboladda dalka.













