Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgal waxa ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho.
Howgalkaan oo ahaa mid qorshaysnaa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Carwo Ikto ilaa Cali Kamiin Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Intuu howlgalka socday ayaa la qab-qabtay tiro dad ah oo dhalinyaro u badan kuwaasi oo lagu tuhmaayo amnidaradda ka jirta maalmahaan magaaladda Muqdisho.
Qaar kamid ah raggii howlgalka lagu soo qabtay, ayaa sheegay in Ciidamada ay Saldhigyadooda u kaxeysteen qaar kamid ah dadkii la soo qabtay kuwaasoo lagu tuhmayo iney xiriir la leeyihiin ragga dilalka ka geysta magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo howlgalka xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

