Nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle oo Lagu Dilay Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas lagu dilay nin Nabadoon ahaa oo Magaaladda caan ka ahaa.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle ayaa lagu dilay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna nawaaxiga Isbartiimada kadib markii uu kasoo baxay salaadda cishaha sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa weerarkaan lagu dhaawacay wiilkiisa oo xiligaas la socday.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaan ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Maamulka Puntland oo halkaas ka sameeyay baaritaano.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilkaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here