Kooxo hubeysnaa ayaa Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhaw Laanta Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo hubeysnaa ayaa sarkaalka toogtay xili uu goob ganacsi wax ka iibsanayay.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiishii Nabad Suggida ee loo soo wareejiyay Ciidamada Booliska Somaliya.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda Booliska.

