Akhriso:-Maxaa Ka Jira Al-Shabaab in Joojiyeen Duqeymihii Mareykanka

0

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay joojiyeen duqeymihii laga fulin jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Genral Thomas Waldhauser ayaa beeniyay warka kasoo baxay Shabaab,wuxuuna sheegay in Mareykanka uu duqeymaha sii wadi doono.

Isagoo la hadlayay guddiga Senatka Maraykanka ee arrimaha difaaca ayuu sheegay in duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geystaan dalka Soomaaliya aysan joojin karin al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Waxa uu sheegay in guulo laga gaaray duqeymaha Xarakadda Shabaab,islamarkaana lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanadda.

Mareykanka ayaa sanadkaan cusub ee 2019-ka, kordhiyay duqeymaha uu ka geysto gudaha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in uu ku dilay dhowr dagaalyahan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here