Madaxweynihii hore ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay in dambiyo ka dhan ah Biniaadanimadda uu ka geystay Gobolka Jubadda Hoose xiligii uu madaxweynaha ahaa.
Siyaasi Maxamuud aadan Xuseen (Ganey), oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubadda hoose uu la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay Xasan Shiikh in dhibaatooyin uu ka geystay Jubbadda Hoose.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyin isugu jiray kufsi iyo dilal loo geystay shacabka Jubbadda Hoose,islamarkaana markii ay u dacwoodeen uu ugu jawaabay in Axmed Madoobe kala hadlaan arrimahiiida.
Sidoo kale waxa uu sheegay in maanta nasiibdaro ay tahay in Xasan Shiikh Maxamuud, dadkii dhibaatooyinka u geystay Shalay in uu kusoo laabto isagoo cafis weydiisanaya.

