Wararka ka imaanaya haatan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in goor dhaweyd uu Halkaas gaaray wafdi balaaran uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf daba-geed,
Wafdiga uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed waxaa Magaalada jowhar kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe iyo Guddiga farsamada Maamulada U sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,
Magaalada Jowhar waxaa saacadaha soo socda sidoo kale gaari doona Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ah Mas’uulka Furi doona shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,

