Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dil saakay loo geystay Madaxii Shirkadda DPWorld ee Dhismaha kuwada Dekadda Magaaladda Boosaaso.
Warbaahinta shabaab ayaa goordhaweyd baahisay war la xiriira in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay Fufliyeen dilka loo geystay, Paul Anthony Fermosa.
Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab C/Caziiz Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay fuliyeen weerarka lagu khaarijiyay ninka u dhashay Talyaaniga ee Madaxda ka ahaa Shirkadda DP World.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Puntland oo loogu hadlaayo dilka loo geystay Paul Anthony Fermosa.

