Askari Nin Odey oo Bajaaj Waday Ku Dilay Magaaladda Muqdsiho

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd Nin odey oo mooto Bajaajle ahaa ku dilay Magaaladda muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Suuq ku yaala Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, askariga dilka geystay ayaa raacay Mooto uu waday ninka odeyga ahaa,waxayna ku murmeen dhanka Lacagta,taasi oo keentay in askariga uu dil geysto.

Mootadda waxaa sidoo kale saarneed Haweeneyda taasi oo ka badbaaday rasaasta askariga uu furay.

Askarigii ka dambeeyay falka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta laga qaaday Meydka Ninka odeyga ahaa.

Magaaladda Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka ay geysanayaan Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here