Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa amaro culus kasoo saartay hubka ay leeyihiin Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu haysto guryaha ku yaala Magaaladda Muqdisho.
Gaashaanle sare cabdullaahi buule kamey oo ah xeer ilaaliyaha guud ee ciidamadda qalabka sida oo warbaahinta kula haday muqdisho ayaa sheegay in Xafiiska uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka hubka ku haysta Guryaha Magaaladda.
Waxa uu sheegay sidoo kale in ay jiraan dad suuqa madow ku gata hubka ay leeyihiin Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
”Kiisaska la horkeeno Maxakamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo waa Hubkii Ciidamada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada,Waxaan baari doonaa hantida Ciidamada ee sida qaldan loo isticmaalay”ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta.

