Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareynka ah ayaa howlgal qorsheysan ku bur buriyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayeen kontarool koowaad ee laga galo Magaalada Buaale ee Xarunta Gobolka Jubbada dhaxe.
Xiliga uu howlgalka dhacayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa Soomaali iyo Ajaaaniib ka tirsan Al-shabaab.
General Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in la burburiyay Saldhigii ay Al-shabaab ku lahayeen kontaroolka laga galo Magaalada Buaale
General Bogmadow ayaa waxa uu sheegay in Saldhigga lagu dhuftay gantaal ka dibne ay hawada sare ay kasoo dagteen ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah iyagoona uu sheegay in halkaasi ka fuliyeen weerar toogasho ah,
Taliye Bogmadow ayaa xusay in halkaasi lagu dilay 22 dagaalyahano iyo horjagyaal isugu jira Soomaali Ajaaanib
Ugu dambeyntii general Bogmadow ayaa shacabka la wadaagay Magacyada Horjogayaasha Ajanibta ee lagu dilay weerarka
Abuu Suleymaan Ali Abuu Xudeefa oo heesta dhalashada dalka Yaman ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa xiriirka Arimaha Dibada waxaana lagu dilay weerarka iyo Abuu Yaxiid Abuu Maniir oo Al-shabaab u qaabilsanaa tababarada isagoona tababara raga fuliya weerada Isqarxinta

