Guddiga difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeerey Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku aadan in Soomaaliya aysan ka jirin Dowladd.
Gudoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid laga xumaado,islamarkaana looga baahan yahay Madaxweynaha Uganda in raaligalin uu ka bixiyo.
Madaxweynaha Uganda ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin Dowladd,kaasi oo dad ay dhibsadeen.
“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

