Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo daqiiqado ka hor ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxan ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Ex Hoteel Shabeelle gaar ahaan Kaalin lagu iibiyo Shidaalka,sidoo kale ku dhow Maqaayadda Baar Italia.
Goobjoogayaal ayaa idaacadda Simba u sheegay in gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa uu goobta ku qarxay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Magaaladda muqdisho.






