Inta la xaqiijiyay 1-ruux ayaa ku dhintay 3-kalana way ku dhaawacmeen kadib qarax gaari loo adeegsaday oo barqanimadii maanta ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari Suruf ahaa ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Ex Hoteel Shabeelle gaar ahaan Kaalin lagu iibiyo Shidaalka.
Wariyayaasheena goobta tagay ayaa sheegay in gaari lagu xiray waxybaaha qaraxa oo yaalay Kaalinta shidaalka uu qarxay,islamarkaana uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid Hantiyadeed.
Waxaa la sheegay in ay gubteen gawaari badan gaar ahaan kuwa Raaxadda oo taalay goobta qaraxa uu ka dhacay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga halka uu ahaa bartilmaameedka qaraxaan, sidoo kale goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku dhow dhismaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Xukuumadda Soomaaliya.
Ma jiro war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho.






