Madaxweyne Geelle:-“Askarteena Hal Sabab ayaan Soomaliya  ugu Saari la’ Nahay”,

0

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo  Jabuuti ay kamid tahay, iyo dagaalka Dagaalyahanadda Al-shabaab lagula jiro.

Geelle oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Dowladda jabuuti ay qeyb tahay dowladaha daneeya in cagaheeda isku taagto Soomaaliya, si lamid ah sida ay u daneeyaan Dowladaha caalamka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay la bixi doonto ciidamada ka jooga Soomaaliya, balse waxa uu tilmaamay inay jiraan caqabado diidaya inay ciidamadooda ka saaran dalka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in Jabuuti ay Soomaaliya usoo dirtay Ciidamo yar,balse ay tababaro siiso Ciidamadda Dowladda Soomaliya,taasi ay taahy sababta ay u saari la’yihiin askartooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here