Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro xalay Al-shabaab ka geysteen Magaalooyinka Boosaaso iyo Jowhar ee Goboladda Bari iyo Shabeelaha Dhexe.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Maamulka ‘Puntland’ ay ku lahaayeen Magaaladda Boosaaso.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal rag hubeysnaa ayaa Bambaanooyin ku weeraray xaafadda Biyo kulule ee bartamaha Magaalada Boosaaso, halkaas oo saldhig ku leeyihiin Ciidamadda booliska Maamulka Puntland.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Dhanka kale rag ka Tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamo ka Tirsan maamulka Hirshabelle oo ku sugnaa Koontaroolka waqooyi ee magaaladaasi,lamana oga khasaaraha ka dhashay.

