Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa maanta ka dhacaysa doorashadda kursi ka banaan golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kursigaan waxaa 27-kii Abriil ee sanadkii tegay ee 2018-kii ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi (Dheere).
Afar Musharax oo uu ku jiro wiil uu dhalay Xildhibaanka Geeriyooday ayaa u taagan qabashadda xilka waxayna kala yihiin.
1: Isaaq Khaliif Sheekh
2: Cabdulqaadir Sh. Maxamed Nuur
3: Xasan Macalin Ibraahim iyo
4: Cabdullaahi Sh. Maxamed

