Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Gaaray Magaaladda Nairobi+Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Magaaladda Nairobi.

“Waxa aan booqasho rasmi ah ku imid dalka Kenya. Waxa aan madaxda Kenya ka wada hadli doonaa xoojinta xariirka labada dawladood, gaar ahaan iskaashiga la dagaalanka argagaxisada iyo xiriirkeenna istaraatiijiyadeed”,ayuu yiri Kheyre.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga, is-kaashiga dhaqaalaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here